Uncategorized

Dhageyso:-Ciidamada Galmudug oo Isbaarooyin ka qaaday inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN-– Howlgal Xoogan oo Ciidamada Maamulka Galmudug ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galinsoor oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayey ku burburiyeen Isbaarooyin u yaallay Maleeshiyaad Hubeysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Burburiyeen illaa Afar Isbaaro oo ay dhigteen Maleeshiyaad hubeysan islamarkaana Howlgalka ay sameeyeen uu yahay mid looga soo horjeedo Kooxaha Burcadka ah ee Shacabka dhibaateeya.

Ciidamada Galmudug ayaa Dhowr jeer sameeyay Howlagalo ay kula Dagaalamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhigta Isbaarooyinka Dadka lagu dhibaateeyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Faah-faahin dheeraad ah