Somali News

DHAGEYSO:-Ciidamada Kenya oo gabdho Soomaaliyeed  ku kufsaday Beledxaawo.

Baladxaawo-KNN-Wararka ka imaanaya  Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay kufai u geysteen  Gabdho Soomaali ah oo ku sugnaa degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Gabdhaha la kufsaday ayaa gaarayo ilaa shan gabdhood sida uu sheegay mid ka mid ah aabe dhalay gabdhaha la kufsaday, iyadoona uu sheegay in  hal gabar weli la la’yahay.

Mas’uuliyiinta degmada Beledxaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haweenka oo gaarayey shan qof ay kufsadeen ciidamada Kenya oo ay jidka iskula kulmeen.

Mid ka mid ah Aabaha dhalay gabar ay kufsadeen ciidamada kenya ayaa KNN u Sheegay in dhibaato xun ay geysteen ciidamada kenya,waxaa uuna sheegay in gabdhaha la kufsaday xiligan la geeyay isbitaal ku yaala Magaalada Mandheere ee gobalka waqooyi Barri ee dalka Kenya.

Arrintan ayaa waxaa ay  noqoneysaa tacadiyadii ugu dambeeyay ee ciidamada Kenya ka geysteen Gobolka Gedo.

Halkan ka dhageyso Wareysiga.