Uncategorized

DHAGEYSO:-Ciidamada Kenya oo Madaafiic ku Garaacay M/Ceelwaaq.

Muqdisho-KNN-Ciidamada RB ee Nabad sugida Kenya ayaa xalay fiidkii waxay  gudaha usoo galeen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaga oo kasoo roqaansaaday Deegaanka Ceelwaaq Kenya.

Korneel Aadan Axmed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xooga soomaaliya oo KNN lahadlay ayaa sheegay in Ciidamada Nabad sugida Kenya ay duqeeyeen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo isla markaana ay boob u geysteen xarumihii Ganacsi ee ku yiilay Magaaladaas.

Korneelka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Nabad sugida Kenya ay ku soo xad gudbeen dhulka soomaaliyeed maadaama ciidamadaan aysan ka mid aheen Ciidamada Kenya ee ka mid ah kuwa Midowga Africa ee soomaaliya howlgalka u joogay.

Korneel Aadan Axmed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xooga soomaaliya ayaa ku dhaliilay xukumada soomaaliya sida ay ugu falciliyaan Dhacdooyinkaas oo Gobolkaas Gedo ku soo lab laabtay Sanadihii danbe, wuuxuna Dowlada Fedraalka soomaaliya ka dalbaday in ay wax ka qabato Faragilintaan qaawan ee ciidamada Kenya ku hayaan dadka soomaaliyeed.