Uncategorized

Dhageyso:- Ciidamada Xoogga Dalka oo Dib ula Wareegay Bariire

Bariire–KNN-– Iyadoo Saakay Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Weerar Xoog leh ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Dowladda Ee Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Degaanka Guud ahaanba dib ula Wareegay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa Saakay Qabsaday qeybo kamida Degaanka Bariire,waxaana Dagaalkii ka dhacay Degaanka uu Khasaare ka soo gaaray Dhinacyadii Dagaalamay iyo Dad Shacab ah intaba.

Ciidamo Gurmad ah oo ka baxa Qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Weerar Rogaal Celis ah ku qaaday degaanka,iyadoo ay Gacanta ku dhigeen Degaanka Bariire oo Al-shabaab laga qabsaday Bishii August Ee Sanadkaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Faah-faahinta