Uncategorized

Dhageyso:-Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaalamay Degmada Hodan

Muqdisho–KNN–Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ayaa Saakay ka dhacay Qeybo ka mida Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Haanta-dheer Xeradii Ciidamada 77 illaa Difaaca Cirka.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho,waxaana Goobaha la Weeraray ku sugnaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Gaashaanle Dhexe C/llaahi Faarax Siyaad oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Ee Goobaha la Weeraray ku sugan ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Saakay Waabarigii hore Weerar lagu soo qaaday islamarkaana aysan ogeyn Ujeedka lagu Weeraray.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dadka rayidka ah,balse ma jirto Cid weli Xaqiijisay Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Sargaalka