Uncategorized

DHAGEYSO:-Ciidamo Soomaali ah oo maanta ku wajahan Xadduuda degmada Belad-xaawo.

Belad-xaawo-KNN-Guddoomiye ku xigeenka amaanka ee gobalka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka taagan Xadduuda ay gobalka Gedo ka wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay maanta Ciidamo ka baxayaan degmooyin ku yaala Gobalka Gedo kuna dhaw degmada Belad-xaawo kuwaas oo gacan siin doono Shacabka wada dhaq-dhaqaaqyada difaaca Ciidda Soomaaliya.

Warbaahinta gobalka Gedo ayaa soo tabinaya muuqaalo dad shacab ah oo u badan dhalinyaro iyo Haween oo dhagxaan ku tuuraya Dabaa-baadka Dagaalka ee Dowladda kenya waxayna arintaasi ay sababtay in walaac laga muujiyo dhul boobka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobalka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay dagaalkii ay kula jirayn Al-Shabaab in ay u wareejiyeen difaaca Ciidda Soomaaliya oo ay Dowladda kenya ku soo xad gudubtay.

Hay’adda kaliye ee maanta ka shaqaysa Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee Baarlamaanka Aqalka sare ayaa shalay si caro leh uga hadlay isku dhacyada Shacabka iyo Ciidamada Kenya ee ka socda degmada Belad-xaawo, sidoo kale arintaan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hay’adda Fulinta Soomaaliya “Xukuumadda” iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku mashquulsan Mooshin iyo is qab qabsi ka dhaxtaagan halkii ay gabeyn Shaqooyinkii loo igmaday, sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ilaa hadda ka hadlin muranka ka taagan Xadduuda gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso Wareysiga Guddoomiye Cusmaan Nuur Xaaji