Uncategorized

DHAGEYSO:-Colaadd Beeleedka Gaalkacyo oo saameysay Nolasha kumanaan shacab ah.

Gaalkacyo-KNN-Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xaalad qatar ah ku sugan yihiin kumanaan shacab iyo xoolo tira badan, kuwaas oo ku nool deegaano ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug Maxamed Nuur Diini oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay hal ceel oo ku yaala Gaalkaco baadiyaheeda ay biyaha kawada cabi jirayn dadka ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, balse xiisad ka taagneed gobalka ay sababtay in dadkii biyaha ka doonan jiray dhinaca Puntland ay sababtay in ay ku dhiiran waayaan.

Halkaan ka dhageyso Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug.