Uncategorized

DHAGEYSO-:Culumada diinta oo ka digay in la xuso Dhalashada sanadka cusub ee 2018

Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho iyo Gobalada Soomaaliya waxaa ka socda abaabulka xaflado loogu dabaal dagayo dhalashada Sanadka cusub ee 2018 oo ka dhiman sacado kooban.

Sidoo kale Soomaalida ku nool Qurbaha ayaa aad ugu diyaar-garoobaya ka qayb galka xaflado iyo dabaal dagyo ka dhacayo wadamada ay joogaan, qaar ka mid ah Soomaalidaasi waxaa laga fasaxay shaqadii ay haayeen si ay uga qayb galaan Damaashaadka sanadka cusub.

Diyaar-garowga iyo dabaal dagyada hor dhaca ah ee socda ayaa waxaa ka digay Culumada diinta waxayna ku tilmaamayn in ay tahay dambi wayn oo laga galayo diinta Islaamka.

Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka digay in shacabka ay ka dhigaan ama ay ka qayb galaan Xafladaha loogu dabaal dagayo sanadka cusub ee 2018       

Dabaal dagga Xafladaha sanadka 2018 kaliya maahan mid ka socda Hotelada koobaha Dalxiiska iyo meelo kale, balse waxa uu si weyn uga socdaa Baraha Bulshada ee Internet-ka waxaana Warbaahinta Bulshada ku soo batay dadka Facebook-yada soo dhigaya Sawiro iyo qoraalo ay ku soo dhaweynayaan Sanadka cusub laguna sogootinayo sanadka dhamaaday ee 2017 arintaasi waxaa mar kale ka hadlay Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo sheegay in ay tahay dambi kale oo culus isagoo ku baaqay in laga feejignaado.

Sidoo kale Muqdisho iyo meelo ka mid ah Dunida oo ay ku nooshahay Soomaali badan ayaa looga diyaar garoobayaa marti gilinta Bandhigyo ay dhigayaan Faniin Caan, Bandhigyada qaar waxaa lagu galayaa lacag u dhaxeysa $ 50-20.

Culumada diinta ayaa ka digayaa ka qayb galka, abaabulka iyo Marti gilinta Bandhig faneedyada, Idaacadda Kulmiye ayaa su’aal ku saabsan Bandhig faneed-yada weydiisay Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed waxa uuna shiikha ku tilmaamay in ay tahay arin dhibaatadeeda wadata.

Halkaan ka dhageyso Codka Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif