Muqdisho-KNN-Dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya sharci ka hadlaya dadka Naafada ah oo ay meel mariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii mudanayaasha Baarlamaanka ay hor geysay Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka, waxaana hadda sharcigaas uu hor yaala Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Guddoomiyaha Qeybaha kala duwan ee dadka baahiyaha gaarka qaba C/laahi Xasan Xuseen oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay qabaan cabashooyin badan, sharcigaan hadda horyaalana Madaxweynaha ay aheed in labada Gole ee Baarlamaan la soo marsiiyo, waxaa kaloo tilmaamay in fursado badan oo ay ku raadiyeen Wasaarada ay ku waayeen inay kulmaan, wuxuuna sheegay in mudnaan aysan ku haysanin Dowlada.
Waxaa kale oo guddoomiyaha uu sheegay in arintaan ay dowlada u xulatay dad uu ku tilmaamay in ay af duubnaayeen, dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa ka mid ah dadka sida gaar ah loo tixgiliyo.
Halkan ka dhageyso Guddoomiye C/laahi Xasan Xuseen oo arimahaas ka hadlaya.