Muqdisho-KNN-Dadka Xoolaha ku dhaqda magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay go`aankii dhawaan magaalada looga mamnuucay Xoolaha in lagu soo deeyo wadooyinka iyo Suuqyada, kaas oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah Hooyooyinka Xoolaha ku haysta magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Xabiibo Maxamuud Cali ayaa la hadashay Idaacada Kulmiye waxayna ka warbixisay sida uu u saameeyay go`aankaasi.