Somali News

DHAGEYSO:-Dagaal beeleed maanta markale dib uga qarxay G. Sanaag

Ceerigaabo-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Ceeryaan oo 45 KM ujira magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 10 kalane way ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dadka dhaawaca ah ayaa la gaarsiiyay isbitaalka dhexe ee magaalada Ceergaabo, waxaana hadda wararka soo baxaya ay tilmaamayaan in uu yara qaboobay dagaalka oo Saakay aroortii hore ka qarxay deegaanka Ceeryaan ee gobolka Sanaag.

Dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal ayaa sidoo kale deegaankii Saakay lagu dagaalamay.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ee deegaanada Soomaaliland ayaa goor dhow aan ka wareysanay dagaalkaasi maanta ka qarxay deegaanka Ceeryaan ee gobolka Sanaag, wuxuuna ka warbixinayaa xaalada hadda sida ay tahay khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.

Halkan ka dhageyso.