Uncategorized

DHAGEYSO-:D.F.S oo wali ku mashquulsan muranka siyaadda ee ka dhax jira iyo Al-Shabaab oo kordhiyay Weerarada ay Geystaan.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ka faa’ideysanaya Xasilooni darada siyaasadeed ee ka dhax jira hay’adaha ugubka ah ee Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalooyin ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Weerarada Al-Shabaab ay kor-dhiyeen ayaa dadka ku dhintay waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 70 Ruux oo u badan Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Weerarada ugu Xun ayaa waxa ay ka dhaceen Degmooyinka Beled-Xaawo Ceel-waaq iyo Magaalada Muqdisho sidoo kale weeraro kale ayaa ka dhacay meelo ka mid ah Soomaaliya.

Hoose ka dhageyso Warbixin ka hadleysa dhibkii laga dhaxlay Khilaafka Dowlada.