Somali News

DHAGEYSO:-Dhaawacyo fara badan oo la gaarsiiyay Isbitaalka dhexe ee Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in dhaawacyo fara ban la gaarsiiyay Isbitaalka dhexe ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaal xoogan oo Saakay aroortoo hore ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ee deegaanada maamulka Jubaland ayaa sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Kismaayo, dadka shacabka iyo Wariyaasha ayaa loo diiday in ay booqdaan Isbitaalka la gaarsiiyay dhaawacyadaasi.

dadka dhaawacmay ee Isbitaalka la gaarsiiyay ayaa u badan Askar kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaal Qaraxyo ku bilowday Saakay waabarigii hore Al-shabaab iyo Ciidamada dowlada ku dhax-maray duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Halkan kaga bogo Wareysi aan la yeelanay Wariye KNN ee deegaanada Jubaland Maxamed Qaasim Cali Waxar.

Dhageyso.