Uncategorized

Dhageyso :- Diyaarado Dagaal oo duqeyn ka geystay Gobolka Shabellaha Hoose

Baraawe–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose  ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqeyeen Degaan u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana ay Fariisin ku leeyihiin Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal oo ah kuwa Duuliye la’aanta ah ay Duqeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Meel aan sidaa uga Fogeyn Degmada Baraawe,waxaana uu xusay in la burburiyay Gaadiid Dagaal oo ay Al-shabaab lahaayeen.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha Duqeynta ay Sababtay,mana jirto cid sheegatay Duqeynta ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka