Uncategorized

Dhageyso:- Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in ay ka hadasho Dhibaatada Kenya ay ka wado Gedo

Muqdisho–KNN– Maanta Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Dood Wadaag looga hadlayay Xaaladda Guud Ee Soomaaliya iyo sida loola shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dooda ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Siyaasiin horay Dalka Xilal uga soo qabtay iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dowladdii Carta Maxamed Cabdi oo Kulanka Dooda ah ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay dhibaato ka wadaan Gobolka Gedo,waxaana uu ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Dhul balaarsiga Kenya ay ka wado Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo dhanka Siyaasadda,wuxuuna hoosta ka Xariiqay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyn la dahay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Riix si aad u dhageysato Wareysiga