Somali News

DHAGEYSO:-Eeyo dad ku weeraray degmada Xamar-Weyne ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo Eeya ah ayaa xalay iyo ilaa iyo maanta siyaabo kala duwan dad ugu weeraray degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 3 Caruur ah ayey Eeyahaas Qaniineen kadib Markii ay ku weerareen Xaafada Aweyska ee degmada Xamar-Weyne.

Caruurtaas ay Qaniineen Eeyaha ayaa la dhigay qaar ka mid Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo goobjoog u ahaa dhacdadaasi ayaa la hadlay Idaacada Kulmiye wuxuuna faafaahin ka bixiyay sida ay  Eeyahaas ay u soo weerareen dadka ku dhaqan degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Halkan ka dhageyso Abwaan Maki oo sharxaad ka bixinaya dhacdadaasi.