Muqdisho-KNN-Kadib markii Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u joogta Soomaaliya ay xalay toogasho ku dileen Askari ka tirsanay ciidamda nabad sugida iyo laba ruux oo Shacab ah kana dhacay nawaaxiga isgoyska KM4 gaar ahaan wadada aada garoonka diyaardaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa Cumar Geedi Cabdi oo ka mid ah ehelada Askariga ay dileen Kolonyada ciidamada AMISOM oo la hadlay KNN wuxuu sheegay in ay ka xunyihiin dilka ay AMISOM u geysteen Askarigaas.
Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayuu ka dalbaday in sidag dag ah sharciga u hor keenaan kolonyadii AMISOM ee ka danbeysay dilkiisa.