Uncategorized

DHAGEYSO-:Ehelada dadkii lagu dilay Jilib oo Cadeeyay in dadkaasi aysan ka tirsaneen Al-Shabaab.

Jilib-KNN-Maxamed Cabdi Cusmaan oo ka mid ah Ehelada dadkii diyaaradaha dagaalka Maraykanka dhawaan ay dhameeyeen duleedka degmada Jilib ee gobalka Jubada dhexe ayaa KNN u xaqiijiyay in dadkii halkaasi lagu dilay ay ahaayeen Shacab aan waligood ka mid noqonin Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Cabdi Cusmaan oo ay qaraabo yihiin dadkii ay dileen diyaaradaha dagaalka sidoo kalane ka tirsanaa Xerta Shiikh Axmed yare oo ahaa Aabihii dhalay qoyskii halkaasi lagu dilay ayaa sheegay in shacabkii halkaasi lagu dilay ay ahaayeen Xer faafiya diinta Islaamka islamarkaana ay iyaga naftooda kala dhuuman jireen Al-Shabaab.

Shiikh Axmed Yare iyo 6 ka mid ah qoyskiisa oo ay dileen diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha laheyn ayaa ahaa xer/ Culumo suufi ah oo caan ka ah deegaankaasi waxaana sidoo kale ay ka mid ahaayeen dad tira yar oo Al-shabaab ka baqo oo degmadaasi ku nool.

Dowaladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa hore u sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 7 ka mid ah Al-Shabaab oo ahaa saraakiil sar sare.

Hoos ka dhageyso codka Ehelada.