Uncategorized

DHAGEYSO-:Faah Faahin ka soo baxeyso Dagaalkii ka dhacay Bariga Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland weerar ka dhacay Deegaanka Jeexdin ee Bariga Gobalka Mudug Weerarkaas oo la aaminsan yahay in ay  soo qaadeen Koox Maleeshiyo ah.

Saraakiisha amaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerarkaas xalay saqdii dhexe ay soo qaadeen Ciidamada Maamulka Galmudug sida ay hadalka u dhigeen.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee gobalka Mudug ayaa ku soo waramaya in dadka dhaawacmay la soo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug walina ay halkaasi xiisad ka taagan tahay.

Hoos ka dhageyso Hadalka ka soo baxay Puntland.