Uncategorized

Dhageyso:- Faah-faahin ku saabsan Diyaaraddii lagu Rasaaseeyay Degmada Xudur

Xudur–KNN– Iyadoo Shalay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool lagu Rasaaseeyay Diyaarad ka baxday Magaalada Muqdisho oo Cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha Xudur ayaa waxaa faah-faahin ka bixiyay Maamulka Diyaaradaas Weerarka sida uu u dhacay iyo waxa ay sidday Diyaaradda.

Madaxa Howlgalka Diyaaraddaasi oo la yiraado Barre Maxamed Xasan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegau in Diyaaraddu ay sidday dad Rakaab ah oo gaarayay  13 Qof oo Saddex carruurtahay ay ku dagatay garoonka Diyaaradaha Xudur islamarkaana Qorshaheedu uu ahaa in Rakaab kale ay halkaas ka qaado oo ay geysto Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool,balse ay Rasaas la dhaceen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee halkaas jooga,taasna ay Sababtay in Diyaaraddii ay ku dhacdo Gurri u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadaasi ayaa sheegay in Sababta Rasaasta loogu furay Diyaaradda ay aheyd in ay Qaad sidday oo lagu Amray in aysan Duulin,balse markii Duuliyihii uu Diyaaradda Duuliyay oo amarkaas ka dhago adeygay Rasaasta lagu Furay,inkastoo aysan Khasaaro Nafeed geysan.

Maamulka Gobolka Bakool ayaa Degmada Xudur ka Mamnuucay in la geeyo Qaadka,waxaana Maamulka Diyaaradda ay ku Doodayaan in Diyaaraddu aysan qaad wadin oo Rakaab ay sidday.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran