Dhuuso-Mareeb-KNN-Guddoomiyaha degaanka Xanan Buurre ee gobalka Galgaduud Cali Xaashi Faarax oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Dad la sheegay in ay ku sumoobeen caano ay cabeen.
Waxaa uu Sheegay gudomiyaha in dadka ku sumoobay caanaha ay gaarayaan ku dhawaad 50 ruux, isagoona xusay in dadkaasi badankooda la geeyay isbitaalada ku yaala degaanka Xanan Buurre ee waqooyiga Magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.
Sidoo kale Waxaa uu Tilmaamay in xiligan xaalada Dadka ay soo hagaageyso, islamarkaana dhaqaatiirta ay la tacaaleen sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu KNN u Sheegay in hada ay soconayaan dadaalo wax looga qabanayo dadka ku sumoobay caanaha ay cabeen.
Halkan Ka dhageyso Wareysi Oo Dhameystiran.


