Somali News

Dhageyso Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

Hargeysa-KNN-Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay magaalada rabshadihii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay.

Feysal Cali Waraabeayaa wixii dhacay oo dhan ku eedeeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxuuna ka tacsiyadeeyey wixii gaaray shacabkii banaanbaxa dhigayey Jimcihii.

Ciidamada dowladda iyo ciidamo daacad u ahaa musharaxiinta mucaaradka ah oo banaanbaxa soo abaabulay ayaa isku fara saaray meelaha qaar, waxayna dowladdu awood u adeegsatay joojinta banaanbaxaas.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in reer Muqdisho ay iyagu is dhigeen meesha ay joogaan maanta, isla markaana ay ‘cadaw gacanta u geliyeen taladooda’ sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan, ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiye Feysal Waraabe