Uncategorized

DHAGEYSO:-Ganacsato la kulmay Al-shabaab oo lagu xeray Jowhar oo ka hadlay xerigooda.

Jowhar-KNN-Waxaa wali magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ku xeran illaa iyo 17 ka mid ah ganacsatada xoolaha iyo ganacsatada caadiga ah ee magaalada Jowhar oo xalay lagu xirey magaalada Jowhar kadib markii ay ganacsatada ay la kulmeen Al-shabaab.

Ganacsatadan oo badankood ah kuwa xoolaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada dharka iyo raashinka ee magaalada Jowhar ayaa lagu xirey saldhigga Ciidanka Booliska magaalada Jowhar kadib markii ciidamada amniga ka soo qabteen Koontaroolka Waqooyi ee laga soo galo  magaalada Jowhar, ayagoo ka yimid deegaanka Gamboole oo 50KM ujira Magaalada Jowhar.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle, taliyaha ciidamada Nabadsugida gobolka Sh/dhexe ayaa hore amar uga soo saaray dadka aada deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab

Mid kamid ah ganacsatada xabsiga la dhigay oo la hadlay KNN ayaa ka waramay waxa dhax maray ayaga iyo AL-shabaab asigoona ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Halkaan ka dhageyso.