Uncategorized

DHAGEYSO:-Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Cusub ee Dhawaan la magacaabay.

Muqdisho-KNN-Garsoore Axmed Maxamed Shiikh Ibraahim “Baardheere” oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweynaha Soomaaliya xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan loona magacaabay Guddoomiye cusub.

Garsoore Baardheere oo ku hadlayay Magaca Garsoorayaasha Maxkamadda sare ayaa go’aan wanaagsan ku tilmaamay Tilaabada Madaxweynaha ee isbadalka loogu sameeyay hogaanka Maxkamadda sare, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay isbadal balaaran uu ka dhalan doono Garsoorka SOomaaliya.

Xubnahaan ka tirsan Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u banaantahay in xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameyn karo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, kadib markii maalin kadib xilkaasi loo magacaabay Baashe Yuusuf Axmed.

Halkaan ka dhageyso Garsoore Axmed Maxamed Baardheere.