Uncategorized

Dhageyso:- Go’aanka Hirshabelle ka qaadatay Shirka Arrimaha Dastuurka ee Maanta lagu waday inuu ka Furmo Muqdisho

Jowhar–KNN– Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Ee Maamul Gobolleedka Hirshabelle  Khadar Xasan Maxamed oo lagu Wareystay Barnaamijka looga hadllo Arrimaha Siyaasadda ee Xogwareysi KNN-na ka baxa ayaa Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay Sababta Hirshabelle ay ku qaadaceen Shirka Dib u Eegista Dastuurka KMG ah ee lagu waday in Maanta oo Axad ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Wasiir Khadar ayaa sheegay in Labo Arrimood ay ugu waa weyn tahay in ay ka soo horjeestaan Shirka Arrimaha Dastuurka,kuwaas oo kala ah Cabsho ka timid Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya iyo in aysan la socon oo aan la siin Ajandaha looga hadlayo Shirka Dib u Eegista Dastuurka Ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay Muqdisho ka fureyso.

 

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi Dhameystiran