Muqdisho-KNN-Walaaca laga qabo muranka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan hay’adaha Fulinta iyo Sharci dejinta ee Dowladda Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya waxaana sii kordhaya baaqyda loo jeedinayo dhinacyada danaha Siyaasadeed ay kala geysay ee Xukumadda iyo Golaha Shacabka.
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Khilaafka Ba’an ee ka dhaxtaagan Golaha Shacabka iyo Xukumadda waxayna ku baaqayn in la qaboojiyo muranka Taagan.
Golaha Abwaanada ayaa soo saaray Bayaan ay uga hadlayaan Xaaladda Siyaasadeed ee maanta ka taagan Soomaaliya, sidoo kale Golaha Abwaanada ayaa ku baaqay in wax laga qabto xaaladda amaaan ee Soomaaliya Dowladda ayay ugu baaqayn in ay meel saraan Mushaaraadka iyo Xaquuqda kale ee Ciidamada si loo helo Ciidan shaqeeya.
Halkaan ka dhageyso Bayaanka ka soo baxay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.