Uncategorized

DHAGEYSO-:Golaha Aqalka Sare” Dadka Belad-xaawo waxay noo sheegeyn in kenya ay dhulkeeda ku darsatay ku dhawaad kun Guri”

Muqdisho-KNN-Guddigii Dowladda Soomaaliya u xil saartay in ay soo baaraan muranka ka taagan Xaduud beenaadka Belad-xaawo ee Gobalka Gedo, kaas oo u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Belad-xaawo iyo Dowladda kenya.

Senator C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah guddigaasi ayaa Golaha aqalka sare ka hor sheegay in Shacabka ku nool Belad-xaawo ay Guddiga u sheegayn in ay Kenya dhulkeeeda ku darsatay 790 Guri oo markii hore ku yiilay Gudaha Soomaaliya ee Belad-xaawo.

Halkaan dhageyso Codka Senator C/llaahi Shiikh Ismaaciil.