Somali News

DHAGEYSO:-Golaha Aqalka Sare oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku xadgudbeen Sharciga dalka

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare oo maanta Warbaahinta ku hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ku xad gudbeen Sharciga dalka kadib markii maanta ciidamada AMISOM ay muddo sacad ah afaafka hore ee Garoonka ay ku celiyeen Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Kenya u safrayay.

Mowlid Xuseen Guhaad G.Kuxigeenka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku yiraahdeen kaliya Saddex Masuul ayaan fasax u heysanaa in ay Garoonka ilaaladooda la galaan in kastoo magacyada Masuuliyiintaas aaan la shaacinin.

Halkan ka dhageyso G.Kuxigeenka labaad oo arimahaas ka hadlaya.