Uncategorized

DHAGEYSO:-Golaha Aqalka sare oo u yeeray 4 wasiir si wax looga weydiiyo xiisada ka taagan Beladxaawo.

Muqdisho-KNN-Kulan maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayey kaga hadleen arimo kala duwan, oo ay ka mid tahay warbixin ay ka dhageysteen Guddi ay u xil saareen xiisadda ka taagan degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo taas oo u dhaxeysa ciidamada Kenya oo doonaya in ay Darbi ay ka dhisaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beladxaawo iyo Mandheera ee Gobolka Waqoy bari ee Soomaalida Kenya iyo Shacabka oo arintaas ka kabiyo diidsan.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa isku raacay in arintaan ay wax ka weydiyaan 4 Wasiir oo ka tirsan Xukumada Fedraalka ee Soomaaliya.

Wasiiradaas ayaa kala ah, Wasiirka arimaha dibada ee xukumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arimaha Gudaha ee xukumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Gaashaandhiga xukumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiiradan ayaa wax laga weydiin doonaa waxa ay ka ogyihiin xiisada ka taagan magaalada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Halkan ka dhageyso codka G/Cabdi Xaashi.