Baydhabo-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta Qarax Miino lala beegsaday Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed kuwaas oo ka amba baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday Degmada Awdiinle ee gobolkaasi.
Mas`uuliyiin Qaraxaasi lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Awdiinle oo la sheegay in asiga qudhiisa dhaawac uu soo gaaray.
Wariyaha Idaacada Kulmiye ee deegaanada maamulka K/Galbeed ayaa goor dhow arimahaas aan ka wareysanay, wuxuuna faafaahin uu ka bixiyay Qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay iyo sida ay ugu hadleyn mas`uuliyiinta maamulkaas.