Uncategorized

Dhageyso:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Fariin u diray Ciidamada Amniga

Muqdisho–KNN-– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo Maanta ka hadlay Munaasabad uu ku  dhagax dhigay Wadada Janaraal Daa’uud ayaa ka hadlay Ammaanka iyo Bilicda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taabid Cabdi Maxamed Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay Hay’addaha Dowladda iyo Ciidamada Ammaanka in ay Maamulkiisa kala shaqeyaan Soo Celinta Bilicda Magaalada Muqdisho islamarkaana ay Joojiyaan Dhagxaanta iyo Ciida lagu jarayo Wadooyinka kuwaas oo wax u dhimaya Bilicda Caasimadda.

“Ammaanka waa la sugi karaa iyadoo aan Dhagxaan Wadada lagu jarin,waxaan Aragnay Wado la dhisay oo la Qurxiyay,haddana Bilicdeedii la dhumiyay,waxaana Ciidamada ka Codsanayaa in ay nala Ilaaliyaan Bilic soo celinta Muqdisho”ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha