Uncategorized

Dhageyso:-Guddoomiye Jawaari”waan og-nahay Guuxa Shacabka”

Muqdisho–KNN– Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay og-yihiin Guuxa ka dhex jira Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan hadal Heynta Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay ka qaadatay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Waxaa uu xusay in Shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay is dejiyaan oo ay ku Kalsoonaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka,Maadaama Xildhibaanadu ay Wakiil ka yihiin Shacabka.

“Guuxa jira waan Og-nahay waxaana wadnaa sidii aan u toosin laheyn haddii ay jiraan wax qaldan,Shacabka ha ku kalsoonaadaan Xildhibaanadooda’ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha