Uncategorized

Dhageyso:-Guddoomiyihii Shabaab Ee Degaanka Ceel-Gaduud oo DFS isku soo dhiibay

Gedo–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta Ciidamada Dowladda ee Degmadaasi ku sugan uu isku soo dhiibay Guddoomiyihii Al-shabaab ugu Magacownaa Degaanka Ceel-gaduud ee Gobolka Gedo Maxamed Yuusuf Dheel.

Maxamed Yuusuf Dheel ayaa la geeyay Saldhiga Dhexe ee Degmada Garbahaarey,waxaana Saraakiisha Maamulka Magaalada Garbahaarey ay halkaas ku weydiinayaan Su’aalo la xariira Sababta uu Al-shabaab uga soo baxay Maxamed Yuusuf Dheel.

Saraakiisha Ciidamada Xooga Ee Degmada Garbahaarey weli kama hadlin Sargaalkaan ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Maanta isku soo dhiibay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi ku saabsan