Uncategorized

DHAGEYSO-:Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee dib u heshiisiinta Walaac ka muujiyay Xiisadda ka Taagan Galmudug.

Muqdisho-KNN-Ismaaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa Walaac ka muujiyay Xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug taas oo sii xumaaneyso maalinba maalinta ka danbeysa isagoo ku baaqay in ay la dejiyo Xaaladda Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Qaar ka mida Xildhibaanada Maamulka Galmudug ay sii hurinayaan Khilaafka Galmudug isagoo ka codsaday in aan la dumin Maamulkaasi oo dhisitaankiisa laga maray dhibaato badan.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Go’aanka ka soo baxay ku Tilmaamay mid lagu deg degay kaas oo Taageeraya Dhinac ka mida Baarlamaanka Galmudug.

Ismaaciil Macalin Muuse ayaa Wasaaradda  ka codsaday in ay ka fiirsato go’aanada ay gaareyso ee deg deg ah taas oo dhalin karta Qal Qal siyaasadeed oo dalka ku reeba Saameyn Culus.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO CODKA.