Muqdisho-KNN-Garsoore sare Dr Muqtaar Nuur Abuukar oo ka tirsan Maxakamda Racfanka Gobolka banadir oo la hadlay idaacada kulmiye ayaa waxaa uu sheegay In Gudoomiyaha Maxakamada sare ee dalka uu shaqadii ay lahaayeen Golaha Adeegga Garsoorka u xilsaaray shaqasiyaad gaar ah oo aan ka tirsaneyn golaha Adeegga.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabayo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, kuwaas oo la sheegay in ay qaban doonaan shaqadii Golaha Adeegga garsoorka-
Goor-dhaw ayaa arintaasi waxa Dr Muqtaar nuur Abuukar Ka wareestay Wariyaheyna Xuseen Cabdulle Maxamed oo ka tirsan KNN.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga Garsooraha Sare Muqtaar Nuur Abuukar.