Somali News

DHAGEYSO:-HirShabeelle oo Ciidamo dhigtay Baro Kontarool oo ku yaala duleedka Balcad.

Balcad-KNN-Maamulka HirShabeelle ayaa bilaabay iney Ciidamo dheeraad ah geeyaan wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay halkaasi ku batayn weerarada Al-shabaab.

Saraakiisha amaanka ayaa shalay Ciidamo cusub Geeyay deegaanada Garsaale iyo Qalimow oo ku yaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar waxaana sidoo kale dhawaan ay sheegeyn iney Ciidamo geyn doonaan deegaanka ILBAQ oo ah halka ugu badan oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan weerarada Jid galka ah.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye Yuusuf Abuukar Ibraahim ayaa nooga waramay isku dayga ay wadaan HirShabeelle.