Somali News

DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.

Muqdisho-KNN-Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded oo xoog-leh uu ka dhax-bilaawday hogaanka ugu sareeyo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee Soomaaliya, kaas oo raagdiyay shaqooyinka qaranka wax ka badan 2 bil, laguna gubay malaayiin doolar oo lacag ah.

Markaan xaaladda sidii way ka adagtahay waxaa is hayaa rag ka siman go’aanada iyo da’da oo awooda iney dhafraan habeeno iyo maalmo badan si ay usii huriyaan khilaafkaan danta gaarka ah ku dhisan sida ay sheegeyn qubarada siyaasadda iyo masuuliyiin ka tirsan oo xog ogaal ah.

Dhinacyda khilaafka u dhaxeeyo oo bilooyin ka hor ahaa Saaxiibo isu dhaw ayaa kulamadii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan ku kala tagayay xaalad aan wanaagsaneen oo ka dhalatay doorashada Koofur Galbeed iyo Eeedeymo musuq maasuq oo ay gudiga maaliyadda u jeediyeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Hadaba Dhageyso Warbixinta oo uu I noo diyaariyay Xuseen Cabdulle Maxamed