Muqdisho-KNN-Prof. Maxamed Caalim oo ah aqoon yahaan ka Faalooda Arimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah gobalada Soomaaliya.
Caalim ayaa sheegay in kacdoonkaan uu yahay mid muujinaya Carada ka dhalatay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii Bishaan iyo dhibaatooyin kale oo Al-Shabaab waqtiyo is xig xigay ay ka geesteen magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya.
Shacabka ayuu sheegay in ay dulqaadan waayeen kadibna ay soo banaan baxeyn taasina ay muujineyso in Mustaqbalka Al-Shabaab uu mugdi sii galayo balse loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysato Kacdoonka Shacabka.