Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

DHAGEYSO-:K/Galbeed oo faah faahin ka bixisay Abuu Mansuur oo maanta isku dhiibay

Afayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta iska dhiibay degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool.

Afayeenka ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu hada ku jiro gacanta Maamulka Koonfur Galbeed Islamarkaana uu la joogo Wasiirka Amnige ee Maamulkaasi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed waxaana la socda Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Muqtaar Roobow ayaa Arbacadii todobaadkii hore dagaal culus la galay Al-Shabaab iyadoo sidoo kale maalamahaan ay dhowr jeer soo weerareen Xaruntiisa Abal.

Mudo Saddex Maalmood ah ayaa Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay Abuu Mansuur la joogeen Abal oo ah Xaruntii uu daganaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Arintaan ayaa aheyd mid la filayay maadaama ay hore Dowladda Maraykanka ay cunuqabataynta uga qaaday Abuu mansuur taas oo ku timid talo soo jeedin ka timid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa noqonaya Mas’uulkii ugu Sareeyay ee Al-Shabaab iska soo dhiiba waana Ku xigeenkii hore ee Amiirkii Al-Shabaab sidoo kale soo noqday Afayeenkii Guud ee Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Afayeenka.