Somali News

DHAGEYSO:-Khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay xoghayaha degmada Balcad.

Balcad-KNN-Xil ka qaadis aan lagu wergelin oo lagu sameeyay xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Balcad ayaa sababtay muran maamul oo ka taagan degmada waxaana sidoo kale degmada ka socda kulamo iska soo hor-jeeda oo ku saabsan xil ka qaadistaasi.

Xoghayaha degmada Balcad ee xilka laga qaaday ayaa KNN u sheegay in warqadda uu ku arkay Internate-ka balse aysan jirin cid la soo hadashay sidaas darteedna uusan ogaan karin sax ahaanshiyaha xil ka qaadistiisa shaqadiisana uu wato, dhinaca gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim furdug ayaa xaflad lagu qabtay xarunta degmada Xilkii Xoghayaha dowladda Hoose ee Balcad ku wareejiyay masuul cusub oo la sheegay in la soo magacaabay isagoo sheegay inuu soo wakiishay xoghayihii hore.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee Sh/Dhexe Yuusuf Abuukar Ibraahim warbixintaan ku eegaya Khilaafka Balcad.