Uncategorized

Dhageyso:- Koofur Galbeed oo Amaro dul -dhigtay Siyaasiinta iyo Saxaafadda

Baydhabo–KNN– Taliska Booliska Maamulka Koofur Galbeed ayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda ka shaqeysa Degaanada Maamulka Koofur Galbeed ku amray in ay joojiyaan Wararka wax u dhimaya Maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciddii Maamulka ka faafisa Warar lagu dhaliilayo Koofur Galbeed ay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana aysan Cidna uga Cabsan doonin.

Koofur Galbeed ayaa Mudooyinkii dambe wajaheysay Shirar lagu Mucaaradayo oo la sheegay in looga hadlayo Mustaqbalka Degaanada Koofur Galbeed,meeshana looga saarayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka