Uncategorized

Dhageyso:- Koofur Galbeed oo Duulaan ku ah Degaanka Leego Ee Gobolka Sh.Hoose

Leego–KNN– Guddoomiyaha Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose Abuukar Isxaaq Al-caddaala oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay wadaan Qorshe ay Shabaab uga saarayaan degaanka Leego oo ay hadda Maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Degaanka Leego ay ka Carareen Dadkiin Shacabka ahaa intooda badan,kuwa ku harayna ay Xaalad adag wajahayaan islamarkaana Maamulka Koofur Galbeed uu wado Qorshe Shabaab looga saarayo Degaanka Leego.

Al-shabaab ayaa Degaanka Leego la wareegay Bishii August Ee Sanadkaan,waxaana ka jirta Xaalad Adag oo dhanka Nolosha ah sida ay sheegayaan Wararka laga helayo.

Halkaan Riix si aad u dhageysato wareysiga Guddoomiyaha