Uncategorized

Dhageyso:- Kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Kooram la’aan u baaqday

Muqdisho–KNN– Kulan ay Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya  ku yeelan lahaayeen Xarunta ay ku shiraan Ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday Kooram la’aan,waxaana kulanka Maanta soo Xaadiray  125 Mudane,iyadoo Kooramka Xildhibaanada uu ku furmo 139 Mudane.

Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo Guddoomin lahaa Kulanka Maanta ee Baaqday ayaa Warbaahinta u sheegay in Kulanku uu u baaqday Kooram La’aan islamarkaana Xildhibaanno badan oo Muqdisho jooga aysan imaan kulanka Maanta.

Dhanka kale Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mida Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Galmudug,waxaana uu ku baaqay in Madaxda iyo Maamulka Galmudug ay isku Tashadaan oo ay ilaalsadaan Maamulkooda.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Xildhibaan Xidig