Somali News

DHAGEYSO:-Wiil walaalkiis ku dilay Muqdishu

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Xaafada Kaawa-gudey ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba wiil oo walaalo ah oo midkood uu dilay midkii kale kuwaas oo isku haystay arimo la xiriira dhaxal.

Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacada Kulmiye dilka ayaa loo adeegsaday Toorey ama middi.

Sidoo kale dad deegaanka ayaa sheegay in uu baxsaday wiilkii dilka geystay, Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo goobta dilka uu ka dhacay gaaray ayaa sidaan ugu warbixiyay.

Halkan ka dhageyso.