Hargeysa–KNN– Madaxweynaha la Doortay Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Qorsheyaasha uu la imaan doono,waxaana uu sheegay inuu dhisi doono Xukumad ka tiro yar Xukumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Tilmaamay in Wasiirada uu soo dhisi doono ay noqon doonaan kuwo Tayo leh oo tiro yar,wuxuuna intaas ku daray in Xukumaddiisa ay noqon doonto mid ka wanaagsan Xukumadihii hore.
13-ka Bishaan ayaa Magaalada Hargeysa lagu Caleemasaari doonaa Madaxweynaha la doortay Ee Muuse Biixi Cabdi,waxaana la filayaa inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada wixii ka dambeeya Caleemasaarka.
Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato