Uncategorized

DHAGEYSO:-Maamulka Ahlusunna oo maanta ku dhawaaqaya Xildhibaanada uga mid noqonaya Galmudug.

Dhuusamareeb-KNN-Wali waxaa si dar dar leh ku socda isku dhafka Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna oo sanadkii hore iyo bilaawgii sanadkaan heshiisyo ka gaaray kala aragti duwanaanshiihii ay ka qabeyn Maamulka Gobalada dhaxe ee Galmudug.

Xaflad ay ka qayb galayaan madaxda maamulkii Ahlusunna iyo mas’uuliyiinta Galmudug ayaa lagu wadaa in goor-dhaw ay ka bilaabato Hoolka shirarka ee magaalada dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ahlusunna ayaa lagu wadaa in maanta ay shaaciyaan Tirada iyo magacyada Xildhibaanada uga mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug, sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee Galmudug.

Halkaan ka dhageyso Wariyiha Idaacadda kulmiye ee Dhuusamareeb C/llaahi Warsame Rooble.