Uncategorized

DHAGEYSO:-Maamulka D/Buula-burde oo ka warbixiyay weerar xalay lagu qaaday Ciidanka Hiil-walaal ee jabuuti.

Buula-burde-KNN-Maamulka Dagmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay weerar xoogag oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidanka AMISOM, ururka Al-shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana shacabka magaaladaasi ku nool ay sheegen in cabsi weyn uu ku abuuray dagaalkii xalay dhacay, maadaama xilli saq dhexe ay aheyd.

Guddoomiyaha degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure Karoore oo lahadlay KNN ayaa sheegay in Saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday lagu dilay halkaasi, maadaama uu sheegay Ciidamada in ay ahaayeen kuwo diyaarsan, dhankoodana uusan khasaare soo gaarin.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarkaasi in ay qaadeen rag iyaga ka tirsan, sidoo kalena ay khasaare u geysteen Ciidamada Jabuuti, inkastoo ilaa hadda aysan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay ka sameeyay howlgal daba socday dagaalkan kooban oo xalay ka dhacay degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Degamada Buula-burde Cabdi Daahir.