Uncategorized

DHAGEYSO:-Maamulka degmada Caabudwaaq oo eedeen u jeediyay maamulka Galmudug

Caabudwaaq-KNN-Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen u jeediyay maamulka Galmudug oo ku eedeeyay in ay wax u qaban wayday shacabka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug oo wax u qabta shacabka Caabudwaaq ay u dambeysay xiligii maamulka Galmudug uu ka ariminaayay C/kariim Xuseen Guuleed oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa rajo xumo ka muujiyay isku dhafka maamulka Galmudug iyo ururkii Ahlu sunna Waljamaaca.

Halkan ka dhageyso Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq oo arimahaas ka hadlaya.