Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliska ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay qabteen gaari lagu siday Hilib qurmay, kadib markii ay qabteen ciidamo kusugnay kontaroolka saldhiga Barri ee degmadaasi.
Dadka siday Hilibkaaas ayaa lagu sheegay in haatan ay ku xeranyihiin saldhiga degmada C/casiis ee gobalkaan Banaadir.
Hilibka qurmay ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay inuu ahaaa Hilib iskugu jiray Hilib Lo,a, Ari iyo Hilib Digaag balse aysan ahayn Hilib dadeed maadaama magaalada leysla dhexmarayay, in uu Hilibkaasi uu ahaa Hilib dadeed, sida uu xaqiijiyay Afayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane.
Afhayeenka Gobalka Banaadir Cabdifataax Xalane oo lahadlay KNN ayaa sheegay dadka loo qabtay Hilibkaaasi in lagu xiray saldhiga degmada C/casiis lana horgeyn doono Maxkamada maalmaha soo socda islanarkaana iminka kiiskooda loo gudbiyay xeer ilaalinta.