Somali News

DHAGEYSO:-Maamulka G/Hiiraan oo kala dhax galay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay degmada Matabaan

Matabaan-KNN-Guddoomiyaha degmada Matabaan Ducaale Aadan  Cabdi oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka warbixiyay maamulka gobolka Hiiraan oo ku howlan sidii loo kala qaadi lahaa laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya degmada Matabaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda la kala dhax galay dhinacyadii dagaalamayay, maantana ay filanayaan in degmada Matabaan ay soo gaaraan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo xubno kale safarkaas ku wehlin doono.

Waxaana ay kala dhax gali doonaan maleeshiyaadkaan mudadda dheer ku dagaalamaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Halkan ka dhageyso.